·
Fagaaraha dadweynaha iyo dawladda oo ah fagaare bulshadu Su'aalo furan ku waydiinayso madaxda maamulka SSC-Khaatumo ayaa lagu ibo furay wasiirka wasaarada amniga Mudane Maxamuud Yuusuf Xassan.
Fagaraahan oo ay soo abaabuleen Dallada dhalinyarada SSC-Khaatuno ee DEYR ayaa noqon doona barnaamij taxane ah oo madax kala duwan kasoo muuqan doonaan.
