·

Dalladda Dhalinyarada DEYR iyo dhalinyaro qurbo-joog ah oo ka kala yimi dalal iyo magaalooyin kala duwan, kuwaas oo u jooga shaqooyin kala duwan, ayaa yeeshay kulan muhiim ah. Dhalinyarada dibadda ka timid ayaa la wadaagay DEYR aragtiyo, talooyin iyo waayo-aragnimo qiimo leh oo ay ka soo qaadeen dalalka ay ku nool yihiin, halka DEYR ay soo bandhigtay kaalinta dhalinyaradu ku leedahay dowlad-dhiska, horumarinta, shaqooyinka ay wadaan, baahida dhabta ah, fursadaha jira iyo jihada horumarineed ee dhalinyarada gudaha.

Kulanka ayaa noqday mid xoojiya rajo, is-faham iyo isku-xidh cusub oo u dhexeeya dhalinyarada gudaha iyo dibadda, iyadoo la isla garwaaqsaday muhiimadda ay leedahay in jiilku si mideysan isugu kaashado horumarinta bulshada iyo wax-tarka dowladnimada Waqooyi.