December 7, 2023

·

Gudoomiye ku xigeenka Dallada dhalinyarada ssc-khaatumo (DEYR) Isir Mohamed Ali Doob iyo Xubno kamid ah fulinta ayaa maanta garamaan iyo agabka training-ka ku wareejiyay gudoomiyaha xidhiidhka kubada cagta maamulka Ssc-Khaatumo Saleebaan Cismaan Abdinor Xaashi

Waxaa Sidoo Kale Madashaaas goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Bulshada SSC-Khaatumo Mudane Abdirisaaq Abdirahmaan Ahmed ( Cadceed ).

Dhanka kale Ciyaartoyda Xulka Maamulka Ssc-Khaatumo oo kujira diyaar garowgii ugu danbeeyey ayaa bogaadiyay Dallada dhalinyarada Ssc-Khaatumo ee Deyr oo agabkan oo ay baahi weyn u qabeen soo gaadhsiiyay.