March 9

·

Dallada Dhalinyarada DEYR ayaa gaadhsiisay 50 qoys deeq raashin ah, qoysaska oo ka mid ah ku wa ay saameeyeen duruufaha nololeed ee adag ee ka dhashay xaaladda abaareed.

DEYR waxay xoojinaysaa muhiimadda isku tashiga bulshada, iyadoo aaminsan in xilliyada adag ay yihiin waqtiga ugu habboon ee bulshadu isu garab istaagto, isu hiiliso, isla markaana ay ka wada shaqayso yareynta dhibaatada.

DEYR waxay ku boorrinaysaa bulshada iyo ganacsatada inay ka qayb qaataan garab istaagga qoysaska nugul, si loo xoojiyo dhaqanka samafalka, wadajirka iyo isku tashiga bulshada.