February 17, 2024
·
Dallada guud ee dhalinyarada Ssc-Khaatumo DEYR oo kaa shanaysa bulshada ayaa dib u habayn isugu jirta dhisme qalabayn, dirays, buugaag iyo manhaj kii DFS ku samaysay schoolka hoose dhexe ee wadajir oo ku yaala xaafada Daami magalada laasacanood.
Schoolka oo ay waxyeelo wayn kasoo gaadhay duqaymihii cadowgu ku hayay maagaalada laascaanood sanadkii la soo dhaafay waxaa ku dhacay laba hoobiye kuwaasoo schoolka gaadhsiiyey burbur xoogan.
Dib u furitaanka schoolka waxaa kasoo qayb galay gudoomiye ku xigeenka 2 aad ee golaha dhex SSC-khaatumo mudane jaamac aadan cismaan,wasiirka wasaarada waxbarashada Cabdixakiin jaamac Dalmar iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka SSc_khaatumo.
Dalladu waxay bulshowaynta SSC-khaatumo ugu baaqaysaa kuna dhiirigalinaysaa in goobaha danta guud isku tashi bulsho lagu dhisto
