Government Relations ⭐ Muhiim December 30, 2025

· ‎Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Waqooyi Bari Abdirashid Yusuf Jibriil ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergadii dhalinyarada ahaa ee matalayay ururrada iyo hoggaanka ka qayb-galay Shirweynaha 3AAd ee Dhalinyarada Waqooyi Bari.

·...

·

‎Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Waqooyi Bari Abdirashid Yusuf Jibriil ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergadii dhalinyarada ahaa ee matalayay ururrada iyo hoggaanka ka qayb-galay Shirweynaha 3AAd ee Dhalinyarada Waqooyi Bari.

‎Kulankan ayaa diiradda lagu saaray doorka istiraatiijiga ah ee horumarinta bulshada iyo kaalinta Dhalinyarada

‎Intii uu kulanku socday, Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa si qoto dheer warbixino uga dhagaysatay aragtiyaha, talooyinka, iyo hindiseyaasha ay dhalinyaradu soo bandhigeen

‎Ugu danbeyntii Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Waqooyi Bari ayaa u hambalyeeyay dadaalka iyo juhdiga ay dhalinyaradu galisay qabsoomida shirweynihii 3AAD ,isaga oo adkeeyay in dowladda ay mudnaan gaar ah siinayso ka-qaybgalka dhalinyarada ee geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo go’aan-qaadashada.