·
Gudoomiyaha dallada dhalinyarada Ssc-Khaatumo Abdirizak Faarah dhegaweel ayaa
Ka qayb galay shir ka socda dalka Zambia gaar ahaan magaalada Chingola shirkaas oo heer qaradeed ah ku na saabsan horumarinta dhalinyarada Africa isagoo shirka ku metelaya dhalinyarada maamulka Ssc-khaatumo.
Somaalida shirka ka qayb galay oo ah 10 xubnood oo ka kala socda dhamaan maamul goboleed yada dawlada faderaalka somalia sida ssc-khaatumo ,Puntland, Somalinad, Galmudug, Koonfur Galbeed Jubaland Hirshabeele, Gobolka Banaadir iyo waliba Ogadeeniya iyo Nfd.
COMESA oo ay ku midaysanyihiin 21 wadan oo Afrika ah ayaa shirka soo qaban qaabisay waxaana diirada lagu saarayaa horumarinta dhalinyarada qaarada Africa sigaara shirkan waxaa awooda koobad lasiinayaa dhalinyarada Somaalia, Kenya iyo Zambia.